Bankiga Adduunka oo markii ugu horreeysey xafiis ka furtay Muqdisho + Sawirro

0

(Muqdisho) 04 Nof 2019 – RW Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayrre ayaa xafiiskiisa ku qaabiley madaxweyne xigeenka Bankiga Adduunka, Xafiz Ghanim oo Muqdisho ka furay xafiis cusub oo uu Bankiga adduunku Muqdisho ku yeelanayo.

Waxaa kulanka ku wehlinaysay Agaasime gobaleedka IFC ee Afrika, Ms Jumoke Jagun-Dokonmu, waxaana lagu soo qaaday dar-dar gelinta qorshaha qaan cafinta Somalia, oo lagu wado in go’aan laga soo saaro Febraayo 2020 iyo shaqo abuurka dhallinyarada.

Guddoomiye Xigeenka Xafiz Ghanim ayaa qiray inay booqashadiisu ka tarjumeyso sida ay Bankiga Aduunka uga go’antahay taageerada Somalia, shaqada wanaagsan ee ay dowladdu qabatay iyo hagaajinta iyo dib u habaynta lagu sameeyay hay’adaha dhaqaale ee dalka, waxuuna madaxda xukuumadda uga mahad celiyay hoggaanka wanaagsan.

Xafiz Ghanim ayaa kulanka Khayrre kaddib la wada kulmay madaxweynaha jamhuuriyadda, Maxamed Cabduullahi Maxamed Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayrre, isagoo u wadacey wada shaqayn iyo hufnaan.

DF Somalia ayaa muddaba riixaysa dadaallo ay ugu jirto in qaamaha laga daayo Somalia si uu dalku u helo mashaariic waawayn iyo maalgelin, iyadoo soo martay marxaladaha  SMP1SMP2 iyo SMP3, waxayna haatan maraysaa SMP4 oo ah midda ugu muhiimsan.

Hadalsame Media