Kooxda ASWJ oo hal arrin looga digey & ciidamo hor leh oo halkaa la geeyay!

0

(Dhuusamareeb) 04 Nof 2019 – Amar ka soo baxay DF Somalia ayaa la sheegayaa in lagu joojiyay wixii dhaqdhaqaaq siyaasadeed ahaa oo ay kooxda ASWJ ku doonaysey hab-raac doorasho oo ka madax bannaan midka ay magacoowday Wasaaradda Gudaha Somalia.

Amarkan oo ku socda madaxda ASWJ ee ku sugan xaruntii Inji, ayaa la ogeysiiyay inay ka fogaadaan wax kasta oo ku saabsan kulamo ku aaddan qabashada howlo doorasho khuseeya, maadaama ay howlahaa u xil saaran yihiin Guddiga Doorashada ee ay magacowday DF Somalia, sida warka lagu yiri.

Kooxda ASWJ ayaa horay u magacowday Guddi Doorasho oo ay sheegeen inay agaasimayaan doorashada soo aaddan ee Galmudug, taasoo ay DF u aragtay foowdo ka dhan ah qorsheheeda.

Dhanka kale, cutubyo hor leh oo ka tirsan Ciidanka Haramcad ayaa ka degey magaaladda Dhuusamareeb waxa ayna qayb ka qaadan doonaan sugidda amaanka.

Ciidankan ayay wararka qaar sheegayaan inay ag degeen xaruntii Inji oo ay haatan ku sugan yihiin madaxda ASWJ.

Hadalsame Media