DIB U DHALASHADA GORGORKA: Sheeko dhab ah oo Soomaalidu CASHAR ka qaadan karto! (Daawo)

0

(Hadalsame) 05 Nof 2019 – GORGORKA iyo aadanaha sebenkan nooli in ay Isku cimri yihiin baa la sheegaa, oo lixdan iyo toddobaatanba waa uu noolaan karaa. Hayeeshe kolka uu gaadho kala badh cimrigiisa, waxa uu galaa marxalad uu kala doorto, in uu geeri isu dhiibo oo uu ka huleelo dunida iyo in uu waajaho xaalad adag oo naf hur iyo tacabba leh, oo uu dib ugu dhalanaayo. Waa weji nololeed oo aan gorgor kastaa u badheedhin, kolka laga reebo mid iyo dhif rajo ka qaba in uu sii noolaado oo karti iyo dhabar-adayg ba le.

Marka uu 30-40 jirka yahay gorgorka afkiisa dhuuban waa uu qaloocsamaa, miciyihiisuna waa ay gamuurmaan, waanay talax gabaan, oo waxa ay tahli waayaan qabashada ugaadha; taasina waxa ay caqabad weyn ku noqotaa quudkiisa iyo nolol maalmeedkiisa. Waxaana isu raaca da’ iyo culay jidheed ka dhashay baalasha ku batay jidhka iyo garbaha. Waxa uu sidoo kale waayaa miisankii fududaa ee u suurta gelin jiray inu si sahlan u duullo, oo noloshiisa maalinlaha ah ku maareeyo.

Marka uu xaalku halkaa marayo waxa soo waajahda Gorgorka laba daran mid dooro: inuu isu dhiibo geerida, gaajo iyo tamar darnaan awgeed ama inuu galo hawl adag oo muddo iyo bilo qaadanaysa.

Gorgorka fariidka ahi inta uu istiilo ayaa uu u haadaa figta buurta ugu dhaw, waxaanu degaa kob u sahansaday. Intaa kadib waxa uu afkiisa dhuuban la dhacaa dhagax dhadhaab ah, waxaanu ku xoqaa farihiisa laamaha adag ee geedka si uu cidiyaha iskaga siibo. Waxa aanu u sabraa xanuunka xuubsiibadka iyo gaajada, inta uu ka soo fiiqaayo afkiisa, ciddiyihiisuna ay ka soo baxayaan. Markaas ayaa uu Gorgorku rifaa baalashiisa cufan ee culaysiyay.

Kadib waxa uu kobtaa sii fadhiyayaa Gorgorku shan bilood oo kale, dabadeedna waxa uu bilaabaa haadista iyo duulistiisa caanka ah ee ‘’Dib-u-dhalashada’’ si uu u geddi geliyo hayaankiisa nolosha cusub ee 40-ka gu’ sii taxnaan doonta.

Sidaas si la mid ah Soomaalidaay,si aynu ifka ugu noolaano waa in aynu is-dhalangeddino, oo aynu ka xuubsiibano culayska tagtada iyo caqabadaha nolosha ee dhabarkeena daaliyay rubuc qarniga idil, ee dawlad-xumada leh, ee hoggaan xumada leh, ee dhaca leh, ee budhacdnimada leh, ee argagaxisada leh, ee ba’ iyo bayhoofka miidhana. Haddii kale aynu is dhiibno oo iska dhimanno, labaatan iyo siddeed gu’ wax ka badan gun ma sii ahaan karnee.

W/ Q: Maxamed Cali-ruush

Hadalsame Media