DAAWO: Baarlamanka Puntland oo aqlabiyad ku diidey dalab ka yimid Xeer-ilaalinta oo xasaanadda looga qaadi lahaa Xil. Cawil (Arag dalabka)

0

(Garoowe) 03 Nof 2019 – Mudanayaasha baarlamaanka Puntland waxay cod aqlabiyad ah ku diideen in ay sharci tahay warqad uga timi Xeer Ilaalinta dawladda Puntland oo ay sheegaysay in dambi uu galay Xildhibaan Cawil Xassan Daad oo su`aal weydiiyey Madaxweynaha Puntland sabtidii 26-kii Oktoobar 2019, taas oo ku toosneyd arrimaha gudaha.

39 Xildhibaan ayaa diiday dalabka Xukuumadda ee ay ku doonaysay in ay meelmar uga dhigto in xildhibaanimada laga qaado Cawil Daad, waxaana ku hareeraysanaa arrimo waa weyn.

Warsidaha PuntlandTimes, wuxuu ogaaday in uu jiray wada hadal dhexmaray Madaxtooyada iyo xildhibaano taabacsan oo ujeedadu ahayd in laga gudbo khilaafkii taagnaa oo xal laga gaaro, balse taasi baarlamaanka oo aan la ogeysiinin ayaa meelmar la’aan ka dhigay.

Warsidaha ayaa ogaaday in Xildhibaano kasoo jeeda Beelaha gobalka Mudug ay ugu tageen Qardho, Madaxweynaha Puntland Siciid Deni si ay ugala hadlaan arrimaha ku wajahan dacwada Xildhibaan Daad, iyadoo ay garowsan tahay Madaxtooyadu in uu jiray culeys uga imaanayay xagga baarlamaanka oo ay rumeysnayd in aysan ku taageeri doonin dacwadeeda kuwajahan mudanahan baarlamaan.

Sidaas oo kale, guddoonka baarlamaanka lama ogeysiinin wax ku saabsan kulamadii magaalada Qardho, sida ay ogaatay PuntlandTimes mana jirin nuqul qoraaleed rasmi ah oo ka yimi Madaxtooyada oo soo gaaray, balse ay warka is cafiska ka maqleen oo kaliya warbaahinta oo tabisay.

HALKAAN KA DAAWO 

Baarlamaanka ayaa qaaday in uu guto waajibaadkiisa Shaqo, isla markaasna ay ka doodaan dhacdadii ku saabsaneyd dooda Xasaanada in laga qaado Xildhibaan Daad, laakiin dhacdada kale ee dhacday ayaa ahayd in xildhibaanada sheegay in ay heshiiska soo galeen xataa ay u codeeyaan in ay sharci darro ahayd go`aankii Xeer Ilaalintu soo oogtay, Madaxtooyaduna dacwadda lahayd.

Dhacdooyinka la diwaangaliyey ayaa noqday Xildhibaanadii cafiska Madaxtooyada keenay ee haddana u codeeyey in aysan sharci aheyn warqadii ay dadaalka kagaleen, Dhacdada kale ee dhacday ayaa ahayd in Xeer Ilaalintii aan horey u sheegin in dacwadu ka timi Madaxtooyada ay haddana sheegto in heshiis awgeed ay ku laashay dacwadaas.

Puntland ayay u ahayd todobaadkii hore maalmo siyaasadeysan oo ay wax badan wali qarsoon yihiin, sidaas oo kale xogaha qaarkood waxay sheegayaan in uu socdo dagaal siyaasadeed u dhaxeeya garabyadan oo ku wajahan xagga guddoonka baarlamaanka Puntland.

Xigasho: Puntland Times

Hadalsame Media