DEG DEG: Ahlu Sunna oo ogolaatay inay si nabadeed ula xaajooto DF (Wefdi uu hoggaaminayo Khayrre oo halkaa berri tegaya)

0

(Dhuusamareeb) 03 Nof 2019 – Madaxda kooxda Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa lagu warramayaa inay ogolaadeen in wada xaajood lagu xalliyo rabitaankooda siyaasadeed kaddib markii ay xiriir deg deg ah la sameeyeen madaxda sare ee DF Somalia, sida aannu ku heleyno wararka ka imanaya Dhuusamareeb.

Kooxda Ahlu Sunna oo u muuqata mid aan iminka haysanin taageerada shacabka ayaa DF u jeediyay inay joojiyaan dhaqdhaqaaqyada ciidan, si loo siiyo fursad ay kula xaajoodaan DF Somalia.

Warar kale ayaa sheegaya in maalinta berri ah uu halkaa gaari doono wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Raysul Wasaaraha Xukuumada Faderaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre, ayna ka mid yihiin Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow iyo rag kale oo ka degaya Dhuusamareeb.

Wararka ayaa intaa raacinaya in kooxda Ahlu Sunna ay ogolaadeen inay wareejiyaan ciidamo yar oo ay weli gacanta ku hayaan, iyadoo ay DF Somalia amaankooda sugi doonto si meesha looga saaro awoodo ka madax bannaan DF oo halkaa ka sii jira.

Waxaa gebi ahaanba haatan deggan xaaladda Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan oo ay amaankooda gacanta ku hayso DF Somalia, iyadoo ay aragtida guudi tahay in Dhuusamareeb lagu dhiso maamul loo dhan yahay oo uu yeesho gobolka Galmudug ee federaalka ah.

Hadalsame Media