Wiil dhallinyaro ah oo Soomaali ah oo sameeyay naf-hurnimo ku aaddan fatahaadda Beledwayn (Muxuu sameeyay?!)

0

(Virginia) 03 Nof 2019 – ๐—”๐—ฏ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ฟ ๐—–๐—ถ๐—น๐—บ๐—ถ, waa wiil dhallinyaro ah waxa uu ku nool yahay gobolka ๐—ฉ๐—ถ๐—ฟ๐—ด๐—ถ๐—ป๐—ถ๐—ฎ ee duleedka ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ป๐—ด๐˜๐—ผ๐—ป.

Aniga iyo asxaab aan ๐•๐Ž๐€ ka wada shaqeyno ayaa galnay dukaan aan xaafaddeenna ka fogeyn, waxaan ku aragnay ninkan oo sita sanduuq uu ku dhajiyay sawirrada ๐—™๐—ฎ๐˜๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—•/๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป๐—ฒ. Shaqaalaha dukaanka iyo dadkii ka adeegnayay ayuu u sharraxayay baaxadda dhibaatada, waxaanu ku qancinayay in ay tabarrucaadda intii ay awoodaan kaga qeyb-qaataan.

Waxa uu ii sheegay in yoolkiisu uu yahay ๐—ธ๐˜‚๐—ป Doo๐—น๐—น๐—ฎ๐—ฟ, oo uu xusay in ay ugu yaraan ๐Ÿฎ๐Ÿฌ ๐—พ๐—ผ๐˜†๐˜€ ku filan tahay. Markaa waxaa ka dhinnaa qiyaastii saddex boqol, wuxuu rajo ka qabay in uu dhameystiro inta aan la kala seexan, haddii ay u suurto-geli weysana wuxuu yiri โ€œ๐—ฎ๐—ป๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐˜†๐˜€๐˜๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐˜†๐—ฎโ€

Arrinta la yaabka igu noqotay ayaa ah, in ninkani aanu B/weyne waligii arag, qofna aanu ka aqoon, beeshiisuna aanay degin, walibana aanu garaneynin cid uu lacagtan ku hagaajiyo. Wuxuu igu yiri โ€œ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐˜„๐—ฒ๐—ฟ๐—ถ๐˜†๐—ฒ ๐˜๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜† ๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐˜†๐˜€๐˜๐—ถ๐—ฟ๐—ผ ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐˜‚๐˜‚ ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—ฏ๐—ผ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ฑ๐—ถ๐—ฟโ€ laakiin kama aanan oggolaan, waxaanan u sheegay in kulan lacag loogu uruurinayo dhibbaneyaasha fatahaadda uu habeen kadib isla magaaladan aan joogno ka jiro, waxaanan kula taliyay in uu halkaa isagu tago geeyana wixii uu soo uruuriyay.

Waxaan aad usii fajacay markii uu i tusay ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐˜‚๐˜‚๐—ฟ yar oo uu isagu leeyahay oo uu ๐—ผ๐—ป๐—น๐—ถ๐—ป๐—ฒ-๐—ธ๐—ฎ ku iibinayo. Lacagta uu ku doonayo afar jeer ayey ka yar tahay inta uu gaarigaasi suuqa ka joogo. Wuxuu ii sheegay in sababta uu qiimaha u dhimay ay tahay, si uu beec dag dag ugu helo, isaga oo lacagta uu ku iibiyana u qorsheeyay in uu ku daro tabarrucaadda uu uruurinayo.

Soomaalidu dad wanaagsan oo niyad san ayay u badan tahay, dhaqan ayeyna u leedahay isku-gurmadka iyo is-gargaarka.

๐—™๐—ฎ๐—ฑ๐—น๐—ฎ๐—ป ๐—ป๐—ถ๐—ป๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€ ๐—ต๐—ฎ ๐—น๐—ผ๐—ผ ๐—ฑ๐˜‚๐—ฐ๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ผ.

Waxaa Qoray: Jacfar Kuukaay

Hadalsame Media

Facebook Comments