DEG DEG: Aqalka Wakiillada Koongarayska oo ansixiyay qaraarka gole-joojinta Donald Trump

0

(Washington, DC) 31 Okt 2019 – Aqalka Wakiillada oo aad u qaybsan ayaa u codeeyay qaraar ay Dimoqraadigu horseed ka yihiin oo lagu soo gole joojinayo Madaxwayne Trump, xilli ay siyaasadda Maraykanku ku jirto marxalad aad u sumaysan oo lagu kala qaybsan yahay.

Codaynta ayaa lagu kala baxay tiro dhan 232-196 taasoo lagu ansixiyay bilowga geeddi socodka gole joojinta Madaxwaynaha oo ay ku jiraan waxyaabo naadir ah, jeer ay doorashada Maraykanka ee 2020 ka harsan yihiin wax sanad ka yar.

Waa markii 3-aad ee taariikhda casriga ah ee uu Aqalka Wakiilladu u codeeyo in la soo gole joojiyo Madaxwayne xilka haya.

Haddii sheekada la dhilo, wuxuu qaraarkani tusmaynayaa hab-raacyada loo dejinayo qaabka loosoo bandhigayo caddaymaha ka dhanka ah Mr Trump, iyo qaabka ay qarreennadiisu u difaaci karaan.

Si kastaba, Dimoqraadiga oo 5 todobaad baaris wadey ayaa haatan u midaysan gole joojinta Trump, waxayna sheegeen in waloow ay Jamhuurigu ka hor jeedaan, ay misna hayaan caddaymo ku filan in sharciga ku tuntay Mr Trump markii uu la xaalayey dalka Ukraine oo uu si cad u waydiistey inay farageliyaan siyaasadda maxalliga ah ee Maraykanka.

FG: Gole joojintu waa su’aalo dastuuri ah oo la waydiinayo qofka si loo hubiyo qiyamka iyo ansaxa fal uu sameeyay.

Hadalsame Media