Maraykanka oo sheegay inuu tababarro & QALABAYN u sameeynayo Ciidamada Millateriga Somalia (Ciidamo uu soo diray)

0

(Oregon) 31 Okt 2019 – Maraykanka ayaa boqollaal askari oo dheeraad ah u diraya Somalia, si ay u tababaraan una qalabeeyaan Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM.

Taliska US AFRICA Command ayaa dhowaan dalbaday ciidamo dheeraad ah oo ka qayb gala howlgala Somalia – in yar uun kaddib markii ay kooxda Al-Shabaab weerartay saldhig ay ciidamada Maraykanku ku leeyihiin Balli-Doogle.

Pentagon ayaa amray in 450 laga soo diro saldhig ku yaalla Oregon si ay uga qayb qaataan tababarka iyo tayaynta Ciidamada SNA ee ka dagaallama bartamaha iyo koonfurta Somalia.

Maraykanka ayaa sidoo kale wada qorshe saldhigga Balli-doogle loogu xirayo agab isgaarsiineed oo toos ugu xiran saldhigga wayn ee ay ku leeyihiin xerada Lamounier, Jabuuti.

Hadalsame Media