DAAWO: Doodda ciyaar xalay Talyaaniga ka dhacday oo la geeyey Baarlamanka dalkaasi (Maxaa dhacay?!)

0
Palazzo Montecitorio

(Roma) 31 Okt 2019 – Koox siyaasiyiin ah oo Napoli-taageera ayaa codsaday in jawaabo laga bixiyo ciyaartii ay xalay kooxdoodu 2-2 kula noqotay Atalanta.

Kooxda Napoli ayaa rigoore laga diidey iyadoo ay Atalanta markaa kaddib ciyaarta 2-2 ka dhigtay, waxayna taasi aad uga caraysiisey taageerayaasha iyo kooxda reer San Paolo.

Maanta, koox siyaasiyiin ah oo 12 gaaraya oo taageera Partenopei ayaa diyaariyay su’aalo ku socda Wasiir Ciyaaraha Talyaaniga.

Waxay waydiiyeen, “tillaabada ay dowladdu qaadayso si hubaal looga dhigo saxnimada iyo dhexdhexaadnimada garsoorka Serie oo ay daawadaan malaayiin dad ihi?

“Shaqada Wasaaradda waxaa ka mid ah inay la dagaallanto in la gacma gacmeeyo natiijooyinka ciyaaraha isla markaana ay dhiirri geliso daacadnimada oo ah udub dhexaadka ciyaaraha.” ayay u qoreen.

Siyaasiyiinta ayaa dhaliilay “diidmada garsooraha ee adeegsiga VAR iyagoo qaba in “Napoli si cad looga xayuubiyay 2 dhibcood, taasoo keentay inay usoo dhacdo kaalinta 5-aad.”

Halkan ka daawo muuqaalka…

Hadalsame Media