DF Somalia oo soo bandhigtay miisaaniyaddii ugu badnayd, balse adeegyada bulshadu ma KORDHIN!

0

(Muqdisho) 31 Okt 2019 – Golaha Wasiirada ee soomaaliya ayaa maanta ansixiyay miisaaniyada 2020,taas oo ah 469.5 malyuun oo doolarka mareykanka ah .

Tan iyo markii doowlada hada jirta ay xafiiska timid horaantii 2017 waxaa kordhay miisaaniyada iyo daqliga gudaha ka yimaada.

Miisaaniyada waxa ay ahayd 250 malyuun oo doolar markii ay talada qabatay doowlada iyadoo sidoo kale daqliga gudaha oo ahaa sanadkii ilaa 90 malyuun uu iminka yahay ilaa 220 malyuun sida wasaarada maaliyadu sheegtay.

Majirto xisaab xir ay doowladu sameysay 2017-2018 taas oo baarlamaanka iyo shacabkaba loo bandhigay.

Gudiga maaliyada ee baarlamaanka waxay horay u sheegeen in la waayay meel ay ka baxday 42 malyuun oo doolar taas oo markii danbe abuurtay muran iyo qal qal siyaasadeed oo ka dhaxdhashay baarlamaanka iyo xukumada.

Inkastoo daqliga iyo canshuuraha uu kordhay sidoo kale miisaaniyada la kordhiyay hadana ma muuqato wax weyn oo laga qabtay arimaha bulshada sida caafimaadka iyo wadooyinka.

Waxaa Qoray: Mahamed Dhoorre

Hadalsame Media