Kooxda Shabaab oo weerar dhimasho & dhaawac gaystey ku qaaday xero ay leeyihiin Ciidamada Kenya

0

(Wajeer) 30 Okt 2019 – Kooxda Al-Shaabab ayaa xalay fiidkii weerar ku ekeeysay Saldhigga Booliiska Dadajabula ee Wajeer, kaasoo 683 km u jira caasimadda Nairobi.

Sida uu siyaasi maxalli ihi u sheegay Nation, dableey ayaa weerar kusoo qaadday saldhigga oo xad beenaadka Somalia u jira 13 KM, iyagoo ku hubaysan madaafiic iyo qoryaha bambaanooyinka tuura ee RPG-ga ama Sebenka.

Saraakiil dowladda ka tirsan oo aan is magacaabin maadaama aysan u xil saarrayn inay warbaahinta la hadlaan, ayaa sheegay inay Shabaabku xerada dul mareen kaddib markii halkaa looga xirey laba qofood oo iyaga ka tirsan, iyadoo la rumaysan yahay inay doonayeen inay raggaa furtaan.

Weerarka oo bilowday abbaarihii 8: 00 PM, ayaa soconayay muddo 20 daqiiqadood ah oo aanay rasaastu kala go’in, waxayna askarta Kenyan-ka ah oo iskugu jirey Booliis iyo KDF ay sheegeen in markii ay qoryuhu aamuseen ay arkeen 2-dii qof ee la hayay oo dhinsan iyo 3 ka mid ah askarta Kenyan-ka ah oo uu mid kayd ahaa oo dhaawac ah.

Hadalsame Media