Turkiga oo samaystay gantaallo u dhigma Patriot-kii ay reer Galbeedku ku gumaysanayeen + Sawirro

0

(Ankara) 30 Okt 2019 – Turkiga ayaa farsameeyay gantaal dhul ka cir ah oo nooca joogga hoose ah, lana yiraahdo go’doomiye ama Hisar-A, 15 km) ayaa si buuxda haatan uga mid noqonaya hubka ciidamada dalkaasi, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhiggu.

Madaxwaynaha wershadaha soo saara agabka ciidamada, Ismail Demir, ayaa ku dhawaaqay in kaddib markii lagu guulaystey tijaabooyin dhowr ah ay haatan bilaabeen inay soo saaraan gantaalahan.

“Hisar waa gantaal joog hoose ah oo ay soo saareen ASELSAN iyo ROKETSAN wuxuunaa si 100% oo weliba saxan u burburiyay bartilmaameedyadii loo tusmeeyay markii la tijaabinayay,” ayuu Demir kusoo qoray Twitter-ka.

Khabarkan ayaa imanaya jeer ay Spain ku hanjabaysey, waloow ay haatan 6 bilood ku dartay, inay qaadayso gantaalaha Patriot-ka ee yaalla dalka Turkiga oo haatan wajahaya haliso cusub kaddib dagaalka uu ku galay Woqooyiga Suuriya.

Waxaa kale oo halkaa horay u yaalley dhowr batari oo gantaallo Patriot ah oo ay leeyihiin dalalka NATO sida Germany iyo Netherlands, kuwaasoo la qaaday 2015-kii, kuwaasoo ay markii dambe soo bedeleen kuwa Spanish-ka oo haatan yaalla saldhigga cireed ee İncirlik Air Base oo ku yaalla Adana.

Sawirkan waa gantaalaha Patriot-ka NATO oo Maarso 11, 2003-dii yaalla saldhigga cirka ee Diyarbakır, Turkey.

Yeelkeede, gantaalahan oo soo dhowayn kara Patriot-ka oo uu Maraykanku Turkiga u diidey inuu ka iibiyo, una qaybsan Hisar-A iyo Hisar-O ayaa lagu wadaa inay toos u shaqa galaan 2020 iyo 2021, sida ay u kala horreeyaan.

Gantaalaha HISAR ayaa loogu tala galay ama loo sameeyay inay halis kasta oo cireed ka difaacaan garoomada, dekedaha, xarumaha iyo ciidamada dhulka jooga, iyagoo ku socda joog hoose iyo mid dhexe.

Gantaalahan Hisar ayaa waxaa raadaarka, taliska iyo dhanka dab xakamaynta ka sameeyay Aselsan, halka Roketsan ay mas’uul ka tahay samaynta gantaalaha.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media