”Maraykan waa ku aabi & kibir inuu Suuriya ka ilaaliyo saliideedda!” – Ruushka oo furka xooray!

0

(Geneva) 30 Okt 2019 – Maraykanka waa ku “kibir” inuu ciidan u diro ilaalinta ceelasha saliideed ee Suuriya, ayuu yiri Wasiir Dibadeedka Ruushanka ee Sergey Lavrov, isagoo intaa raaciyay in aanay kala caddayn cidda ceelashaa laga celinayo.

Tillaabada ay Maraykanku ku joogaan dalka Suuriya ayuu ku tilmaamay mid sharci darro ah marka la eego Xeerka Caalamiga ah, jeer ay Lavrov ag fadhiyeen Wasiirrada dhiggiisa ah ee Iiraan iyo Turki oo ay shir jaraa’id ku wada qabteen Geneva, Switzerland.

”Warka ah in joogistiisa [Maraykan] ceelasha saliiddu tahay ilaalin waa aabi iyo kibir. Waxay u muuqataa inuu ka ilaalinayo isla Suuriyadii iska lahayd lafteeda.” ayuu yiri.

Washington ayaa lagu eedeeyay in sheegashada ah in ay ceelashaa ka ilaalinayso kooxda argagixisada ah ee Daacish ay tahay qorshe ay kaga noqonayso ka bixitaankii ay markii hore sheegtay inay Suuriya uga baxayso, sidii uu caddeeyay Donald Trump.

Warka noocan ihi wuxuu muujinayaa jahawareer waayo Maraykanku wuxuu bishii Maarso sheegay “in Daacish lagaba adkaaday oo la jebiyey,” ayuu saxaafadda xusuusiyay Lavrov shirkii jaraa’id ee Geneva.

Maraykanka iyo Ruushka ayaa isku fahamsan dheesha ka socota Suuriya, iyadoo uu midba doonayo inuu iskaakada la geddiyo midka kale, wax loo arko siyaasad istiraatijiyadeed middii ugu kululayd tan iyo dhamaadkii Dagaalkii Qaboobaa.

Hadalsame Media