Dhallinyarada Puntland & Galmudug oo isu bahaystay gurmadka Beledwayn + Sawirro

0

(Gaalkacyo) 30 Okt 2019 – Kulan ay isugu yimaadeen Dhalinyaradda Galmudug iyo Punland ayaa Magaalada Galkacyo ka dhacay waxaana ay uga hadleen sidii ay si mideysan uga qayb qaadan lahaayeen Gargaarka loo sameynayo Bulshada gobolka Hiiraan ee uu saameynta kuyeeshay Fatahaada Wabigga Shabeelle Magaalada Baladweyne.

Masuuliyiinta Maamulada Galmudug iyo Puntland ee Magaalada Galkacyo ayaa goobta joogay waxaana ay shegeen in Dhalinyaradda Gobolka Mudug ay bilaabayaan Gargaar nuucwalba leh oo ay ku caawinayaan walaalahooda kale ee sameeynta uu ku yeeshay Fatahaada Wabigga.

Dhalinyaradda ayaa magaalada Gaalkacyo iyo deeganada kale ee ka agdhow waxaa ay ka bilaabeen inay dadka kasoo aruuriyaan qofkasta wixii uu awoodo.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan ayaa waxaa ku fatahay Wabigga Shabeelle waxaana arrintaas saameyn ku yeelatay dadkii magaalada daganaa.

Hadalsame Media