Laba xisbi oo Swedish ah oo keenay hindise ah in lacag laga dhigo cuntada iskuullada, mucaaradad ka hor timid

0

(Stockholm) 30 Okt 2019 – Xisbiyada M iyo xisbiga soo galooti diidka ah ee SD ee dalka Sweden ayaa keenay hindise ku saabsan in sanadka soo aaddan la dhimo miisaaniyadda degmooyinka, waxaana ka mid ah in gebi ahaanba la joojiyo cuntada lacag la’aanta wada ah ee iskuullada, balse ay taa biddaalkeeda ardaydu 30% iyagu bixiyaan kharashka.

Waxay taasi ka dhigan tahay in ardaygu uu semesterkiiba bixiyo 750 karoon oo lacagta Swedish-ka ah, sida ay qorayaan Sydsvenskan iyo Aftonbladet.

Yeelkeede, waxaa durba hindisahan ka hor timid mucaaradad ba’an, iyadoo uu Pierre Sjöström oo ah madaxa Golaha Mucaaradku uu qabo in arrintani ay xumaynayso bandhigga waxbarasho ee ardayda oo qaarkood ay kasoo jeedaan qoysas dan yar ah.

Dhanka kale, qaar ka mid ah shacabka Swedish-ka ayaa kasoo hor jeestey, iyagoo ku doodaya in Sweden ay ka mid tahay dalalka ugu canshuur qaalisan caalamka, sidaa darteed, ay khasab tahay inay cuntada iskuulku bilaash ahaato, ama dadka aad loogu kordhiyo mushaharooyinka, canshuurahana laga dhimo.

Hadalsame Media

Facebook Comments