DAAWO: Xasan Sheekh Maxamuud oo su’aal GAR ah hordhigay DF Somalia!

0

(Muqdisho) 30 Okt 2019 – Isbahaysi loo bixiyay Madasha Xisbiyada oo ay ku midan yihiin xisbiyada Himilo Qaran, UPD, Ileys, NPP, Kulan iyo Xisbiga Nabadda ayaa Muqdisho looga dhawaaqay, kaasoo madax looga dhigay Sheekh Shariif, MW hore.

Madashan oo ay ku jiraan Madaxwaynayaashii hore ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa waxaa dadkii ka hadlay ka mid ahaa Xasan Sheekh, Madaxwaynihii hore ee Somalia oo su’aal waaqici ah hordhigay DF Somalia.

”Anigu ma garan karo sida ay Dowladdu dadka ugu sharrixi karto in ay soo heli karto oo awooddo malaayiin doollar oo taallooyin lagu dhiso, ma aha inaan leeyahay taallooyinku waa xun yihiin, balse dadka Beledwayne ee biyaha dhex jiifa ee waayeelka biyaha lala dhexmarayo Dowladdu lacag uma hayso oo qaaraan bay yaboohsanaysaa in la is qabadsiiyaa la rabaa.” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa DF ku eedeeyay in uu ka yara maqan yahay dareenkii iyo kasiddii, balse aanu ku eedaynin karti darro iyo inay wax badan haysato.

”Colaad iyo xumaan heshiis kuma ihin, balse waxaan heshiis ku nayay wanaag iyo horumar ayaan heshiis ku nahay. Wixii khaldan halla toosiyo qofkii xumaan u yaqaanna Allaha toosiyo ayaan leennahay.” ayuu daba dhigay Xasan Sheekh oo warkiisu u muuqdey mid uu markan aad uga taxaddaray.

Hadalsame Media