3.5-KA LUBNAAN: Lubnaan oo ka dibed baxday wax u dhigma 4.5 (Akhri sababta)

0

(Beirut) 30 Okt 2019 – Dadka reer Lubnaan ayaa jidadka iskugu soo baxay iyagoo u dabbaal degaya is casilaadda RW Saad Hariri – waloow ay badankoodu sheegeen inay taasi tahay guul hordhac u ah dagaal dheer oo soo socda.

“Waa tillaabo wanaagsan, balse weli jidadka ayaannu sii taagnaanaynaa,” ayuu yiri Pierre Mouzannar, oo 21-jir Masiixi ah oo filimada sameeya oo la hadlay Al Jazeera jeer uu ku sugnaa Beirut. “Hariri dhibka ayuu qayb ka yahay, balse dhibkii oo idil maaha. Weli koow ma joogno.” ayuu daba dhigay.

Boqollaal dibad bexe ayaa soo buuxiyey jidadka Beirut, ilaa uu markii dambe TV-ga ka sheego inuu is casiley, waxaana sidoo kale jirey hardan gudeed u dhexeeyay dibed baxayaasha oo ay bilaabeen dad taageerayay Hezbollah iyo Amal Movement Party oo ay wada leeyihiin Shiicadu.

“Ma doonayno hal qof oo ka mid ah dabaqadda haatan wax xukunta inay dowladda ka mid noqdaan, waxa noogu muhiimsani waa inaan ka wada takhalusnaa gebigood, isla markaana aan dhidibnaa hab-raac doorasho cusub oo meesha ka saaraya kooxaysiga (sectarianism), oo aan Lubnaan ka dhignaa sidii hal xaafad,” ayuu yiri Rafeef, oo ah 21-jir Sharciga barta.

Dalka Lubnaan ayaa waxaa haatan ka jira ilaa 15 degmo oo maamulka loogu qaybiyay Sunniga, Shiicada iyo Masiixiga, kaddib dagaalkii sokeeye ee dalkaasi oo socdey min 1975-ii ilaa 1990-kii.

Lubnaan ayaa haatan u muuqata inay ka dagaallamayso wax u eg 4.5 oo Somalia ka jirey ilaa 2000, iyadoo cilladda qoondadani ay tahay inay dilayso in karti qofka lagu doorto, maadaama ay boosasku u kala qaybsan yihiin dadka.

Tusaale ahaan, Sacad Xariiri wuxuu ka socdaa qaybta Sunniga waaa RW, halka Michel Aoun oo Masiixiyiinta ka socdaa uu yahay Madaxwayne, Shiicada oo uu geed fadhi ku yahay Hassan Nasrallah, ayaa qaadata Guddoonka Baarlamanka. Dadka kale ee laga tirada badan yahay sida Duruusiga iwm waxay qaataan xilal kale, marka waa 3.5.

Hadalsame Media