SAWIRRO: Gaari gaashaaman oo uu Turkigu sameeyay oo soo jiitey Ciidamada Amaanka dalal badan (Dalal iibsadey & kuwo dalbaday)

0

(Ankara) 29 Okt 2019 – Tirada gawaarida gaashaaman ee Ejder Yalçın 4×4 oo ay samayso Nurol Makina, oo ah wershad farsamaysa agabka ciidanka oo Turkish ah, ayaa noqday mid tayadiisa loo bogey, iyadoo ciidamada amaanka dalkaa la siiyay ilaa 360 oo xabbo.

Nurol Makina ayaa gaarigan u naqshadeeysay inuu u gegsado khataraha ku xeeran isagoo sida ugu yaraan hal unug oo ciidan ah isla markaana ay ku xiran yihiin qoryo culus.

Gaarigan ayaa sidoo kale aad usoo jiitey suuqyada caalamka, waxaana haatan ku howlgala ciidamada amaan ee 6 dal oo dunida ah oo horay u iibsadey, halka uu u dalban yahay kuwo kale.

Gaarigan gaashaaman ayaa aad loogu amaanay adkaysiga, sahalka adeegsigiisa, xawaaraha iyo la qabsiga jawiyada iyo dhulalka kala geddisan baxaalli ahaan.

Turkiga ayaa haatan 73% soo saarta agabka ciidan ee uu isagu u baahan yahay, isagoo sidoo kale dhoofiya agab ciidan oo kala duwan, kuwaasoo iskugu jira min qoryaha fudud, gantaalaha, dayuuradaha, taangiyada, maraakiibta, madaafiicda goobta, qalabka habeenkii wax lagu arko iwm.

Hadalsame Media