BAMBO WAQTIYAYSAN: Dubai oo dhibaato kala soo gudboonaatey hal meel oo ay ku fiicnaan jirtey!

0

(Dubai) 29 Okt 2019 – Dubai ayaa la sheegay in ay ku khasban tahay inay sanad ama laba joojiso dhismayaasha halkaa ka socda, haddii kale waxay halis ugu jirtaa khasaaro dhaqaale oo ka dhalanaya guryaha la dhisayo oo aad u fara badan qaalina ah.

“Hadda waxaannu sii geleynaa isgoys. Ama dhibkan ayaa xallinaynaa waana koraynaa ama waxaan arki doonnaa musiibo dhaqaale,” ayuu yiri madaxa Damac Properties PJSC, Hussain Sajwani oo waraysi siinayay Bloomberg.

Ninkan ayaa ah kii ugu dambeeyay rag badan oo dhismaha ka shaqeeya oo ku baaqaya in la xakameeyo dhismayaasha faraha kasii baxaya, jeer uu hoos u socdo dalabka suuqu, tan iyo markii uu figta sare gaarey 5 sanadood kahor.

Hoos u dhacan xoowliga ku socda ayaa xitaa beeniyay saadaal hore oo sheegaysay inuu markale sare kac iman doono, balse haatan wuxuu gaarey ilaa -30%.

Yeelkeede, ilaa 30,000 oo guri oo cusub ayaa lagu wadaa in la dhiso sanadkan oo qura, taasoo laba jeer ka badan baahida suuqa taalla.

Tusaale ahaan, Damac oo haatan diiradda saaraysa inay iibiso kuwa ay haatan dhamaystirtay, sida uu sheegay Sajwani, ayaa saasoo ay tahay misna dhamaystiri doonta 4,000 oo guri sanadkan iyo 6,000 oo kale sanadka xiga ee 2020.

Sajwani ayaa farta ku fiiqay hay’adda dhismaha ay la xafiiltamaan ee Emaar Properties PJSC oo ah midda dhistay dabaqa dunida ugu dheer, uu sheegay inay guryo badan iska dhisayso iyadoo kharashaadka u bixinaysa qaabab dhiiri gelinaya in uu tuhun galo macaamiisha.

Sharikaadka kale ee dhismaha sida Meraas Holding LLC iyo Nakheel PJSC, ayaa iyaguna joojiyay ama gebi ahaanba jaray dhismayaashii ay wadeen 80%.

Imaaraadka Carabta ayaa guud ahaanba dhaqaale ahaan hoos u dhacayay 5-tii sanadood ee ugu dambeeyay, tan iyo wixii ka dambeeyay dagaalkii Yaman iyo murannada dhexmaray Imaaraadka iyo dalal badan, taasoo hoos u dhigtay sumcaddii uu dunida ku lahaa oo ahaa dal nabadeed oo aan cidna fara gashan.

Hadalsame Media