DHEGEYSO: Wax kasta oo kaaga dahsoon doonidii shalay ku rogmatey Beledwayne (Duqa Beledwayne oo ka badbaaddey ayaa ka hadlaysa)

0

(Beledwayne) 29 Okt 2019 – Dooni ay saarnaayeen 13 qof ayaa ku rogmatay magaalada Beledweyne, oo fatahaad xooggan uu ka sameeyey webiag Shabelle.

10 ka mid ah dadkaas ayaa la la’yahay, waxaana ka bad-baaday saddex qof oo ay ku jirto duqa degmada Beledweyne Safiyo Xassan Sheekh Cali Jimcaale iyo gudoomiyihii hore ee gobolka hore Cabdifatax Afrax.

Weriye Sahra Cabdi Axmed ayaa khadka Taleefanka kula xiriirtay Safiyo Xassan Sheekh, waxeyna ugu horeyn weydiisay sida ay musiibada doontan u dhacday.

Hadalsame Media