Inter Milan oo heshay DAKHLI rikoodh jebis ah, balse faa’iido ma hayso (Ogoow sababta)

0

(Milano) 28 Okt 2019 – Kooxda Inter Milan ayaa soo saartay natiijada maaliyadeedii fasalkii hore ee 2018-19, taasoo keentay inay helaan dakhli rikoodh jebis ah, balse weli faa’iido saafi ah ma hayaan.

Dakhliga kooxda ayaa fasalkii tegey kordhay 20%, iyadoo heshay dakhli gaaraya €417m, waana koror laba laaban marka laga soo bilaabo xilligii ay kooxdaasi la wareegeen ganacsatadda Chinese-ka ah ee Suning Group bishii Juun 2016-kii.

Waxaa kororka dakhligan 9% loo aanaynayaa iidehyada oo ay ku korodhay ilaa €138m oo euro, iyo dakhliga laga qabto garoonka.

Kooxda Inter ayaa sanadkii tegey celcelis ahaan 61,000 oo taageere ciyaartiiba heleysey – waana rikoodh ku cusub Nerazzurri, ama waa kooxda ugu taageerada badan Talyaaniga marka la eego dadka soo xaadira ciyaarta, sidoo kalena 5-aad ayay uga jirtaa Yurub oo dhan.

“Tani waxay naadiga ka caawinaysaa inuu is maalgeliyo oo kooxda la xoojiyo kaabayaal dhaqaalena la sameeyo,” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Inter, Alessandro Antonello.

Dhanka kale, waloow uu dakhligu kordhay, misna weli faa’iido saafi ihi sooma dhicin waxaana ugu wacan kooxda oo meel hoose kasoo kacaysa, sidaa darteed wax loo dhow yahay, iyadoo ay kooxdu samaysay khasaare dhan €48.8m oo euro.

Hadalsame Media