DAAWO: Muuse Suudi oo moowqif qurux badan ka qaatay qodob laga doodayay! (Waa maxay?)

0

(Muqdisho) 28 Okt 2019 – Senatarka Muuse Suudi oo fikirkiisa ka dhiibanayay xeerka xuquuqda siyaasiga ee uu maanta ansixiyay Golaha Aqalka Sare ayaa qaatay moowqif ay dad badani la dheceen.

Xeerkan cusub ayaa dhigaya in siyaasiga oo haatanba gunnooyin iyo xuquuqo badan qaata loo kordhiyo, jeer aanu jirin wax adeeg bulsho ah oo la taaban karo oo ay bixiyaan DF Somalia iyo maamullada dalka ee magac ahaanta iyo xafiiltanka siyaasadeed uun u jira.

”Waxaan noqonnay sidii waalid inta badar karsaday ilmihii qol ku xirey ee iyagu raashinkii cunaya!” ayuu ku misaaley Muuse Suudi.

Wuxuu Senatar Muuse sheegay inay miiska soo saareen in xuquuq loo qoondeeyo shaqaalaha iyo ciidamada, balse ay arrintu noqotay in dheriga uu lafta kala baxayo ninkii u dhowaa.

Halkan hoose ka daawo…

Hadalsame Media