Juventus oo CR7 kaddib €380m oo euro u qoondaysay saxiixa Kylian Mbappé

0

(Torino) 26 Okt 2019 – Juventus ayaa rumaysan inay qaadi karto tillaabada xigta haddii ay €380m oo euro u qoondayso saxiixa Kylian Mbappé oo u safta Paris Saint-Germain, sida uu sheegayo Tuttosport.

Lacagtan ayaa daboolaysa khidmada la siinayo PSG oo ah €180 milyan oo euro iyo qandaraas 5 sanadood ah oo qaali ah.

Madaxwaynaha Juventus Andrea Agnelli iyo xigeenkiisa Pavel Nedved ayaa shirkii saamileeyda ee todobaadkan oo €300m lagu kordhiyay raasumaalka kooxda ka caddeeyay inay markan higsanayaan inay figta sare ka gaaraan qaaradda Yurub, iyagoo sheegay inay samayn karaan saxiix kale oo kii Cristiano Ronaldo oo kale ah, kaasoo ay ku baxday €115m, €30m oo nadiif ahna sanadkii qaata.

Tuttosport ayaa sheegaya in musharraxa koowaad uu yahay  Mbappé, oo 21 jirsanaya bisha Diseembar, isla markaana PSG laga soo siistay €180m oo ay xagaagii 2017 u shubeen kooxda Monaco.

Si loogu gooyo waxa lagu sheego hannaanka dhaqaalaha nadiifka ah ee Financial Fair Play, waxay Juve laacibka ku doonaysaa €45m oo amaah ah, iyadoo deeto gadaal ka bixinaysa €135m oo euro.

Laacibka reer Faransiis ee caalamiga ah ayaa horraanba 66 gool u dhaliyay, 36 kalena dhigay 95 kulan oo uu u saftay kooxda PSG.

Hadalsame Media