Mid ka mid ah sharikaadka shidaal ee dunida ugu wayn oo diiddey inay DOOLLAR wax ku iibiso!

0

(Moscow) 26 Okt 2019 – Sharikadda saliideed ee ugu wayn dalka Ruushka ee Rosneft ayaa dhamaytirtay qorshe ay uga weecanayso inay doollar wax ku iibiso, si aanay u saamayn cunaqabatayn uu Maraykanku soo rogo.

Rosneft ayaa horraanba si buuxda ugu wareegtey lacagta Euro-da oo ay ka dhigatay asaasi marka ay saxiixayso qandaraasyada wax dhoofinta, sida ay ka sheegeen madasha Eurasian Economic Forum ee Verona, Italy.

Sida ay sheegeen maamulka sare ee Rosneft, waxay sidoo kale qorshaynayaan inay wax ku iibiyaan Yuan-ka Shiinaha oo lacag muhim ah noqonaysa sanadaha soo aaddan, kobaca dhaqaale ee Shiinaha dartii.

Saamiga doollarku ku leeyahay wax is dhaafsiga saliidda iyo waxyaabaha laga sameeyo haatan 90% wuu se dhacayaa, balse Shiinaha ayaa taa halis ku haya, wuxuuna saamigaa ka heli doonaa 5%, halka uu haatan ka yahay 2%.

Hadalsame Media