”Car daara!” – Maraykanka oo Turkiga ku qalqaalinaya inuu burburiyo gantaalaha S-400 ee uu Ruushka kasoo iibsadey

0
FILE PHOTO: Russian servicemen sit in the cabins of S-400 missile air defence systems before a parade marking the anniversary of victory over Nazi Germany in World War Two, in central Moscow, Russia, April 29, 2019. REUTERS/Tatyana Makeyeva/File Photo

(Washington, DC) 26 Okt 2019 – Maraykanka ayaa sheegay in ay Turkiga ka qaadayaan cunaqabatayn ay horay u saareen kaddib markii uu soo iibsadey gantaalaha S-400, haddii aysan daarin hannaankan ay Ruushanka kasoo iibsadeen.

MW Donald Trump ayaa Arbacadii sheegay inuu qaaday cunaqabatayntii uu dalkiisu Turkiga saaray kaddib duullaankii ay ku qaadeen woqooyiga Suuriya, oo uu ka dhashay muran u dhexeeya labadan dal ee ku wada jira NATO, balse waxaan weli xallismin xiisaddii ka dhalatay iibsiga Turkiga ee S-400.

“Dabcan waxaa jira dad ku jira nidaamka Ankara oo leh, war yaan la daarin qalabkan,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan Wasaarad Dibadeedka Maraykanka oo magaciisa qariyay.

Waxaa warka sarkaalka ka muuqata inaan weli la shidin raadaarrada gantaalahan oo ay NATO ka cabsanayso inuu Ruushku ka faa’iido sida loosoo rido dayuuradaha NATO.

“Weli waxaa jirta howl ku saabsan inuu Turkigu iskaga dhaqaajiyo gantaalaha S-400 — ha ahaato inuu damiyo, inuu burburiyo iwm,” ayuu yiri sarkaalkan oo sheegay in ay “Turkigu khadka cas ka tillaabeen” markii ay soo iibsadeen gantaalahan, balse hadda falankeed la wado sidii xal loogu heli lahaa loogana socon lahaa.

Si kastaba, MW Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan ayaa halkiisa kasii wada inuu xiriir wanaagsan la yeesho Ruushka, oo uu haatan kula heshiiyay inuu ciidamo keeno woqooyiga Suuriya si uu u beddelo kuwii Maraykanka, taasoo uu durba ku dhaqaaqay.

Maraykanka ayaa horay Turkiga ugu diidey gantaalaha kuwan u dhigma ee Patriot, isagoo sidoo kale qaaday kuwii yaalley xuduudda Turkiga ee Suuriya/Ciraaq, taasoo keentay inuu Turkigu u weecdo dhanka Ruushka.

Hadalsame Media