Saaxiibbo saxare ku safraya ayaa is qabtay deeto midbaa dhirbaaxo lagu fujiyay, kaddib maxaa dhacay? (Sheeko micne leh)

0

(Hadalsame) 24 Okt 2019 – Laba nin oo saaxiib ahaa ayaa waxa ay ku dhex safreen Saxaraha, intii ay safarkooda ku gudo jireen ayey murmeen, mid ayaa xanaaqay oo midkii kale wejiga ka dhirbaaxay.

Kii wejiga laga dhirbaaxay ayaa isaga oo aan ka fal-celin dhaqaaqay, ciidda ayuu ku qorey “Maanta saaxiibkeygi ugu wanaagsanaa ayaa wejiga iga dhirbaaxay”.

Socdaalkoodi ayey iska sii wateen, waxa ka soo hor baxday meel yar oo biyo fadhiyaan, waxa ay damceen in ay ku maydhaan. Kii la dhirbaaxay ayaa hor galay dabadeedna, biyihii ayaa liqey.

Saaxiibkii ayaa badbaadiyey, markii uu nafisay ayuu dhagax ku qorey ” Maanta saaxiibkeygi ugu wanaagsanaa ayaa nolosheyda badbaadiyey”.

Midkii marna saaxiibkii dhirbaaxay marna badbaadiyey ayaa weydiiyey saaxiibkii; markii aan ku dhibey ciidda ayaad ku qortey, markii aan ku badbaadiyeyna dhagax, sababtu waa maxay?

Saaxiibkii ayaa ugu jawaabay “Marka ay dad inna dhibaan waa in aan dhibaatadooda ku qornaa ciidda si ay u masaxaan dabeylaha cafisku, marka qof wanaag inoo sameeyana waa in aan ku qornaa dhagax halkaas oo ayna xataa dabeyl masixi karin”

Nuxurka Sheekada

• Waa in aynu ku dedaalnaa in aan cafino dadka marka ay khalad inaga galaan

• Dadku khalad iyo wanaag labadaba waan kala kulmaynaa, waxa laga yaabaa wanaagyada ay inoo qabteen in ay ka badan yihiin ama ka weyn yihiin xumaanta ay inoo geysteen. Sidaa darteed, waa in aan indhaha ku bildhaaminaa wanaaga weyn inta aan xumaanta yar ku mashquuli lahayn

• Qalbigaagu waxa uu ku sugnaanayaa degenaan iyo raaxo marka aad xumaanta oo dhan si dhib yar uga saarto ee aad ka buuxiso wanaag xataa noloshaada ayaa qurux badnaaneysa

“Ha ku iloobin hal khalad wanaagyo badan ”

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

W/T: Cabdicasiis Axmed Xuseen “Samaale”

Hadalsame Media