”Macdan aan qodayay ayaa qaraxdey!” – Nin sheegay in maamulka Somaliland uu u gaystey xad-gudub ba’an!

0

(Muqdisho) 24 Okt 2019 – Isbariidin iyo Salaan ka dib aad baan uga naxay markii aan arkay gacantiisa oo go’an iyo iyo lugta oo uu dhaawac kaga yaal, ma u maleyneyn waxyeelada gaartey walaalkey in sidaa ay u weyneyd.

Xasan Cali Xaaji Yuusuf (Xasan Carab) waa Khabiir ki takhasusey Dhinaca Noocyada Macdanta, waxaa dhaawaca uu ka soo gaarey isagoo ku howlan baaris Macdan xili uu ku sugnaa Wajaale ee Maamulka Soomaaliland

“Anigoo dhaawac ah ayaa u xirnaa muddo Afar Bilood ah waxaa la ii saariyey waxaa Shaqo ku lahayn, waxaa la iila dhaqmey si Cunsurnimo ah oo Baniaadanimada ka baxsan” ayuu yiri Xasan Carab oo intaa raaciyey.

“Iyagaa i martiqaadey si aan u baaro Nooc macdan ah ay soo helaan intaa aan Baarista ku jirey ayey qarax sameysey Macdantii faraha kula jirey waana u jeedaa waxyeelada iga soo gaartey oo aan ku waayey Gacanteyda Midig iyo Dhaawac iga soo gaarey Lugta.”

isku soo duuboo waxaa u mahadcelinayaa dadkii ii soo gurmadey oo iiga gaarabey wixii dhibaato oo i soo gaarey waxaa leeyahay Maamulka Soomaaliland in wax waliba Hubsadaan oo dadka lagu xadgudbin.

Waxaa Diyaariyay: Amiin Yuusuf Khasaaro

Hadalsame Media