YAAB: Maxkamad ka hor jeesatay aabbe doonayay inuu xaaskiisa ka hor istaago inay wiilkooda ”gabar ka dhigto!”

0

(Dallas, TX) 24 Okt 2019 – Garsoore reer Texas ayaa aabbe ka xugmiyay haynta laba wiil oo mataano ah oo 7-jirro ah, jeer uu isku dayayay inuu ka hor istaago inuu jinsigiisa dheddig u bedelo.

Garsoorka Dallas ayaa aabbe Jeffrey Younger u diidey codsi uu maxkamadda kaga doonayay in lagu wareejiyo mas’uuliyadda wiilashiisa Jude iyo James — taasoo timid kaddib markii ay hooyadu bilowday inay James ka dhaadhiciso inuu qaato dhecaanno (hormone therapy) jinsigiisa bedelaya si uu ”gabar iskaga dhigo”.

Hooyada, oo ah dhakhtar carruureed lana yiraahdo Anne Georgulas, ayaa ku doodaysa in wiilkeeda James uu yahay jinsi dhexaad ama nimoow naag, oo uu jecel yahay dharka naagaha iyo in loogu yeero “Luna,” sida ku qoran The Texan.

Yeelkeede, adooga ayaa beeniyay arrintaasi isagoo sheegay in uu wiilkiisu mar kasta wiil yahay, isla markaana aanu xiisaynin dhar dumar iyo dhaqankood toona, wuxuu kaloo ku dooday in dhecaannadan macmalka ihi aanay wax u dhimaynin haybta qofeed ee James, balse ay sidoo kale wataan haliso caafimaad, laga bilaabo dhiig xinjiroow, ma dhalaysnimo iyo timaha oo ka bida.

Si kastaba, gudiggii garsoorka ayaa Isniintii ka xugmiyay, iyagoo haynta ilmaha gacanta ka saaray hooyadood Georgulas, iyagoo aabbaha weliba u sheegaya ”inay arrintaa ka xun yihiin!” markii uu garsoorka 1-aad xukunka ku dhawaaqayay.

Hadalsame Media