Fahamdarrada Federaalka & qabiilaynta dowladnimadu halkee nagu wadaan?

0

(Hadalsame) 24 Okt 2019 – In badan ayaan maqalnaa Siyaasiyiin ku doodaya Federaalka Somaali ayaa ku Heshiisay?
Dalku waa Federaal mana aqbalayo in la igala hadlo Gobalkeyga iyo Qabiilkeyga?
Dastuurka Federaalka ee lagu Heshiiyey ayaa i siinaya Awood kasta? Aan u gar-naqsanno Beesha Caalamka?

Hadaba maxaa ka jira doodaas? Mise waa Awr-kacsi Siyaasadeed?

Dad badan oo wax ka qora Dhibaatada Somaaliya ayaa u arka in ay saldhig u tahay 4 Arrimood oo ay dabada ka riixayaan Dawladaha Daneeya; Siyaasada, Amniga iyo Khayraadka Somaliya, una Sahli karta Fara-gelin toos ah iyaga oo la kaashada Siyaasiyiin leh Dano gaaban sida:

1. Go’aanada Qaramada midoobay ee lagu geliyey Dawladnimada Somaaliya Ku meel-gaar, Qorshaha Ciidamada AMISOM, Cunaqabateynta Hubka, Ku xad-gudubka Khayraadka Badda iyo Hawada Somaaliya?
2. Urur Gobaleedka IGAD oo ka leh Somaaliya Dano Siyaasadeed, Amni iyo Dhaqaale, gaar ahaan xilligii uu Hoggaanka u hayey Maamulkii Tegreegu?
3. Siyaasadda ku dhisan 4.5 oo Sahashay in dadka iyo dawlad-nimada lagu Matalo Qabiil ee aan lagu matalin Aqoon, Karti iyo Wadani-nimo?
4. Hannaan Federaal ah oo Fududeeyey: Gobaleysi, Qabiilaysi, kala Qoqobid iyo kala Qeybin?

Markii ugu horeysay 2004 tii ayey Axdi ku meel-gaar ah Magaca Federaal ku saxiixeen Embagathi-Kenya 26 Siyaasi oo markaas dadku u yaqaaneen Qab-Qable-yaal ama Dagaal oogi-yaal iyo IGAD oo ay horkacayeen Kiplakat iyo Gabre, kadib dhismihii Dawladdii Federaalka laba garab ayey u kala jabtay oo kala ahaa Garabkii Jawhar iyo Garabkii Xamar, taas oo ugu danbeyntii ku dhamaatay Kacdoonkii Maxkamadaha iyo Is Casilaaddii Madaxweynihii oo ay Xilligiisii ka harsaneed Sanad.

Federaalkii noo xigay wuxuu ahaa 2012 iyo Dastuurka Qabyada ah oo lagu diyaariyey Addis ababa, Nairobina ay ku Saxiixeen 6 Siyaasi oo qaarkood lagu qasbay, Horseedna ay ka ahaayeen IGAD iyo UN oo uu ku Matalayey Amb. Mahiiga, kadibna Ergo lagu qiyaasay ilaa 800 Qof ayaa Xamar Gacanta ugu taagay iyaga oo aan akhrin, aqoonna u la heen waxa ku qoran iyo Macnaha Federaal, waxaana laga garanayaa markii ugu horeysay ee Barlamaanku Fariistay ee la akhriyey ayaa lagu arkay in uu kaba maqanyahay Magaca Caasimadda Dalka, Mudda xileedka Dawladda, Doorashada labada Aqal iwm., kadibna waxaa la isku qabsaday in Hogaamiye kooxeed-yadii soo saxiixay lagu daro Barlamaanka iyo in laga reebo, markii la wada diiday ayaa Sh. Shariif oo Cod ka rabay u fasaxay in lagu daro Barlamaanka?

Hadaba waxaa is weydiin mudan;

1. Goormee Somaali ku heshiisay Federaal?
2. Ma Siyaasiyiintii saxiixay ayaa Somaali u Wakiilatay in ay u dooraan Federaal?
3. Haddii Federaal Somaali u keenaa Xasilooni, Hshiis iyo is Faham muxuu ugu keeni waayey kuwii saxiixay ee Khilaafka iyo Dagaalka ku dhamaatay?
4. Haddii Federaalku ku qoranyahay Dastuurka Qabyada ah kaliya, kana maqanyahay Shuruucda kale ee Dalka sidee loo fahmi karaa? Loona Hirgelin karaa?
5. Haddii Federaalka la qaato yaa noo xadeynaya nuuca nagu habboon?
6. Haddii la isku qabsado Fahamka Federaalka yaa noo Fasiraya?
7. Federaalku ma Goballo iyo Qabiillo gaar ah ayuu dan u yahay? Mise Somaali oo dhan?

W/Q: DR Maxamed Gacal

Hadalsame Media