TILLAABO TAARIIKHI AH: Rwanda oo dhisanaysa wershad ku shaqaysa NUKLIYEERKA (Heshiis dhacay)

0

(Kigali) 23 Okt 2019 – Dalka Rwanda ayaa heshiis dhanka nukliyeerka ah oo koronto laga soo saarayo waxay la gashay dalka Ruushka, si ay sare ugu qaaddo awooddeeda wax soo saar.

Rwanda ayaa qorshaynaysa inay dalkeeda wershadayso oo dadkeeda shaqooyin u abuurto si uu dalkeedu u hana qaado, waana taas sababta ay tillaabadani waa cusub ugu barinayso dhanka tamarta.

Heshiiskan ay Rwanda la gashay Ruushka, ayaa keenaya in wershad ku shaqaysa tamarta nukliyeerka laga dhiso dalkaasi. Ruushka ayaa sidoo kale Rwanda ka dhisaya xarun lagu barto cilmiga nukliyeerka iyo tiknolojiyadda oo laga dhisayo Kigali (Nuclear Science and Technology).

Nukliyeerka ayaa waxaa laga dhaliyaa kala qaybinta atamyada uranium-ka, taasoo keenaysa hanaan la yiraahdo fission, kaasoo dhalinaya kul soo saaraya uumi aad u kulul oo wareejin kara turbiin wareejinaya diinimo isna koronto dhalinaya.

Hadalsame Media