ABIY VS JAWAR: Fahamka xiisadda ka cusboonaatay Itoobiya (Oromo oo fursad qaali ah isa seejin karta)

0

(Addis Ababa) 23 Okt 2019 – Xaley ilaa saaka mudaharaadyo ayaa ka socda Addis Ababa, yaa is heysta, sidee wax u jiraan???

Jawar VS Abiy!!!

Jawar Maxamed, waa milkiilaha taleefishinka Oromia Media Network OMN, xaruntiisu tahay Minesota Mareykanka, waxa uu yahay nin u dooda xuquuqda shacabka.

Jawar waa nin Oromo (Qowmiyadda ugu balaaran Ethiopia), muddo waxa uu ku noolaa Mareykanka, bilo kadib ayuu soo laabtay markii Abiy Axmed loo magacaabay Raysul Wasaaraha Ethiopia April 2018-ka.

Shalay Abiy Axmed oo la hadlayey baarlamaanka Ethiopia ayaa yiri sidan: “Ma aqbali karno warbaahin kicisa shacabka, taa waxa ay ka hor imaneysaa xasiloonida iyo wada noolaanshaha qowmiyadaha dalka”.

Jawar isla markiiba waxa uu ka jawaabay waxa uu yiri: “Hoggaanka Ethiopia waxa uu ku socdaa jiha qaldan, waa muhiim in awoodda shacabka loo soo celiyaa”.

MAXAA DHACAY???

Xalay ciidamo Ethiopia ah ayaa tagey guriga Jawar Maxamed, Ilaalada Jawar ayay iska hor yimaadeen, Jawar oo ka warhelay arrinta ayaa warbaahinta la hadlay, daqiiqado kooban kadib, mar quro dhalinyarada Qeeroo oo boqolaal ah ayaa tagay guriga Jawar, waxa ay xireen wadooyinka waa weyn ee Addis Ababa soo gala, iyaga oo tusinaya sida ay u diidanyihiin sharci darro lagu kaco Jawar Maxamed.

Qeeroo waa dhalinyaro mar weliba kacdoon sameeya, dhowr jeer oo horena iska hor imaad kala hor yimid ciidamada Ethiopia taa oo keentay dhimasho fara badan.

Jawar Maxamed waxaa lagu sheegaa in uu yahay hoggaamiyaha saxda.

Abiy Axmed waa Raysul wasaaraha Ethiopia, halka Jawar Maxamed lagu sheego hoggaamiyaha shacabka.

Siyaasad ayaa la isku khilaafsanyahay Abiy Axmed waxa uu doonayaa siyaasad u gaar ah, halka Jawar Maxamed uu u arko in lagu socdo hoggaan ku dhisan awood iyo caburin!!!

su’aasha taagan, yaa guuleysan doona???

Waxaa Qoray: Fu’aad Xaaji Cabdiweli

Hadalsame Media