Kenya oo dagaal saxaafadeed qaadday & Soomaalida oo fahmi la’ (Wax ka baro Daily Nation)

0

(Nairobi) 23 Okt 2019 – Wargeeyska “The Daily Nation” waxaa la aas-aasay 1958 xuriyadii Kenya ka hor wuxuuna ahaa mid isbuucle ah, waxaa lagu magacaabi jiray TAIFA, waxaa aas aasay nin dhalashadiisu tahay Ingariis la oran jiray Charles Hayes.

1959 wuxuu noqday mid maalinle ah oo la oran jiray Taifa. Wargeeyskaan wuxuu ku soo bixi jiray afka sawahiliga, inta badan wuxuu ahaa mid uu gumeystaha Ingariiska uu danihiisa siyaasadeed uu ku fulin jiray.

Waxaa run ah in 30-kii sano ee burburka dalkeena In Soomaaliya ay aad uga hoos dhacday dhanka warfaafinta aduunka ama geeska Africa, maqnaashihii dowladda Soomaaliya waxay fursad siisay inuu war-geys-yada ay noqdaan kuwa aan aqoon iyo xirfad u lahayn dhanka saxaafadda, oo ay qayb ka noqdeen beelaha isku haystay arrimaha qabiilka.

Kenya si ay ugu guuleeysato dagaalka aykula jirto dalka Soomaaliya, waxay xooga saartay inay lacag badan ku bixiso dhanka saxaafadda, run ahaantii aad bay uga xoog badan tahay saxaafadda Soomaaliya maanta, taasi waxaad ka garan gaarta in maanta saxaafadda Soomaalida iyo dadkeedaba ay soo xigtaan wararka wargeeysyadda Kenya oo loogu tala galay In lagu jahwareeriyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed, taasoo ah istaraatijiyadda dagaalka qaboow ee dacwada bada Soomaaliya.

Ula jeedadda ka dambeeysaa ay tahay in culeeys siyaasadeed lagu saaro dowladda ama mucaarad lagu furo dowladda si ay dacwada bada aysan gaarin guusha Soomaaliya .

Waxaan kula talinayaa walaalaha Soomaaliyeed inay aad uga taxadaraan inay soo xigtaan wargeeysyadda Kenya ama kuwa ay xiriirka ka keeyihiin, 8 bilood ee soo socota waxay aad xooga u saari doonaan in Soomaaliya jah-wareer siyaasadeed lagu furo.

Waxaan kaloo arkaa in aqoonyahanadii Soomaaliyeed ee loo soo tababaray war faafinta uu ka mid yahay Cabdulqaadir Walaayo, inay ay dib u dhis ku sameeyaan saxaafadda dalka Soomaaliya ayagoo kaashanaaya caalamka iyo dowladda Soomaaliya.

Wa bilaahi towfiiq

Waxaa Qoray: Sheek Nuur A Qaasim

Hadalsame Media