REER YAA I WACDAY: Ma jirto qaarad kale oo dunida ku taalla oo uu dal inta u yeerto isku sawiro si uu u muujiyo saamayntiisa caalamiga ah, Afrika maahane

0

(Hadalsame) 23 Okt 2019 – Madaxda Afrikaanka hadba dal baa isaga wacda markaas bay isaga yaacaan kaddibna dalkaaa ayaan ugu yaraan ISKU SAWIRA si uu adduunka kale u tuso in uu saamayn leeyahay.

Horay waxaa u jiray kulamo sida: Shiinaha iyo Afrika, Hindiya iyo Afrika, Jabbaan iyo Afrika iwm.

Dhammaan kulamadaasi waa kuwa dalalkaas sameeyaan madaxda Afrikaankna waa lagu casumaa un. Hadda waxaa ku soo biiray kulanka Ruushka iyo Afrika.

Waxaan rejaynayaa in madaxweyneheennu uusan la mid noqon kuwa ee Afrika ee uu Ruushka waxa un faa’ido inoo leh inooga soo saxiixo, cunaqabataynta hubka in na la ka qaado ayaa hadda inoogu muhiimsan.

Waa nasiib darro in tan iyo xornimadii Afrika aysan madaxda Afrikaanku inta badan ka fikiri karin kursiga iyo sidii uu iskugu koollayn lahaa, taas oo qayb ka ah qorshe iyo horumar la’aanta Afrika.

Tusaale, maanta ma dhici karto mana jirto qaarad kale oo madaxdeedu sidaa rakhiis u tahay oo uu hal dal isku dhererin karo ama uu madaxdeeda xilligii uu doono u farta ugu yeeran karo sida qaaradda Afrika.

Waxaa muhim ah in Somalia oo ku jirta soo kabasho ay iskaga harto shirarkaa ujeeddo la’aanta ah ee dhowrka maalin waqtiga lagu dhuminayo, balse ay taa biddaalkeeda la timaado qorshe ay kaligeed dalalkaa ula tagto oo wax u dan ah uga soo hesho.

Waxaa Qoray: Cali M Diini & Maxamed Xaaji

Hadalsame Media