Waa ANSHAX & DAMIIR XUMO JAHAWAREERINTA siyaasadeed ee shacabka lagu hayo! (Wax ka ogoow doorka labada Danjire)

0

(Hadalsame) 23 Okt 2019 – Dowladda Mareeykanka waxay dalka Soomaaliya u soo magacaawday Danjire Donald Yamamoto oo mar soo noqday Wasiir ku xigeenka arimaha Dibada ee dhanka Africa. Amb. Yamamoto, wuxuu ka mid yahay qabiiradda uu dalka Mareeykanka uu leeyahay, magacaabistiisa dalka Soomaaliya ma ahayn mid ku timid sahal.

Dowladda Mareeykanka waxay si rasmi ah Soomaaliya ugu furatay safarad tasoo meesha ka saartay In mar dambe Soomaaliya laga maamulo safarada Nairobi, Kenya.

Danjire Kyle McCarter, waa safiirka Mareykanka ee Kenya, hadana ah political appointee, ma aha career diplomatic sida Danjire Yamamoto, wuxuu ka yimid dhanka gacansiga, taas awgeed arimaha siyaasadda Geeska Africa ee dhanka Dowladda Mareeykanka waxaa samayn ku leh Amb. Soomaaliya oo ah Danjire Yamamoto.

Africa, waxay u qaybsan tahay Great Horn of Africa iyo Great Lakes of Africa, Soomaaliya waxay ku jirtaa Dowladaha Geeska Africa, Kenyana waxay ku jirtaa Dowladaha Great Lakes, taasi waxaan ka wadaa, arimaha siyaasadda Soomaaliya waxay hoos yimaadaan Amb Yamamoto.

Amb. McCater wuxuu ka hadlay Dhanka amaanka iyo ganacsiga doorka ay ku leeyihiin wada hadalka, lakiin muranka Kenya iyo Soomaaliya, waa mid hor-taalo Maxkamadda Aduunka, taas awgeed Dowladda Mareeykanka waa dowlad wayn oo aan marnaba faragelin ku sameeynaynin sharciga aduunka, hadalkiisa wuxuu la mid yahay safiirka Ingariiska ee Kenya Amb. Jean Marriott ee talo ku soo jeedisay In laga wada hadlo arimaha Soomaaliya iyo Kenya.

Ma jiri karto Dowlad kale oo Soomaaliya ku saari karta cadaadis siyaasadeed inay dacwada kala noqoto maxkamadda, Go’aanka waxaa leh Soomaaliya, dhulka Soomaaliyana marnaba gor-gotan ma geli karo.

Taas awgeed waxaan aaminsanahay in arimaha Dhulka Soomaaliya aan la siyaasadeeynin oo shacabka laga daayo jah wareerka iyo beenta loo sheegaayo, waa ayaan daro In shacabka 30 sano dagaal sokeeye ku jiray in looga fa’ideeysto aqoon darro jirtaa awgeed.

Jahwareerinta shacabka waa mid ay diideeyso damiirta wanaagsan, inteena xoogaa yar fahansan sida uu aduunka u shaqeeyo waxaa na saaran inaan xogta dhabta ah aan la wadaagno dadkeena, anagoo aan garab siinin dhanka dowlada ama mucaaradka.

Wa bilaahi towfiiq.

Waxaa Qoray: Sheekh Nuur A Qaasim

Hadalsame Media