Koobka Degmooyinka G. Banaadir oo dhamaad soo gaarey (Degmooyinka isu soo baxay & goorta ay ciyaarayaan)

0

(Muqdisho) 23 Okt 2019 – Ciyaaraha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa wixii la isa soo reebaba waxay iminka soo gaareen dhamaadkii koobka loo ciyaari lahaa.

Waxaana isku soo baxay labada kooxood ee Waaberi oo noqotay lama celiyaanka Gobolka Banaadir iyo kooxda Degmada Dharkaynlay.

GOORMA AYAA DHAMAADKA LA DHEELAYAA?

Dhamaadka Tartanka K/cagta Degmooyinka G. Banaadir 2019 ayaa lagu wadaa in habeen dambe la ciyaaro, saacadda maxalliga ihi marka ay tahay 7:00 habeennimo, taariikhda 24/10/2019.

Goorta: 7:00pm

Goobta: Stadium Inj. Yariisoow

Hadalsame Media