”Tikitkii qabriyada!” – Ciidamo loo sameeyay inay kaliya la dagaallamaan kooxda Daacish + Sawirro

0

(Grozny) 21 Okt 2019 – Chechnya ayaa diyaarisay ciidamo si gaar ah u tababaran oo kaliya loo sameeyay inay la macaamilaan kooxda Daacish, haddii ay galbeedka ‘ay daba-dhilifka u yihiin’ ay go’aansadaan inay usoo diraan Woqooyiga Qoowqaasiya, sida uu u dhigay hoggaanka Chechen-ka ee Ramzan Kadyrov.

Howlgallada uu Turkigu ka wado woqooyiga Suuriya ayaa la sheegay inay keeneen inay xabsiyada ka baxsadaan dad Daacish ah oo ay hayeen maliishiyaadka Kurdhish-ka.

Waxaa sidoo kale baxsad ah haween iyo carruur ku jirey ilaa 8 xero oo kale, sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga Ruushanka, Sergey Shoigu oo walaac ka muujiyay wax uu ku sheegay “inay dalkiisa soo galaan argagixiso qax aha.”

“Shayaadiintan” IS ma aha xag-jir diimeed oo dhisaya Khilaafo Islaami ah, balse waa ”calooshood u shaqaystayaal” ay lacag iyo tababarba siiyaan Galbeedka oo ay ka amar qaataan.” ayuu yiri hoggaanka Jamhuuriyadda Chechen-ka oo ka tirsan xiriirka Raashiya, Kadyrov oo sheegay in ay tigidho usoo goosanayaan qabriyadooda haddii ay yimaadaan Chechnya.

”Si farxadi ku jirto ayaannu ku aqbalaynaa [kooxda IS], balse ma cadda inay tigidho u jaranayaan tiyaatarka ama qabriga.” ayuu raaciyay.

Hadalsame Media