MUUQAAL CEEBAYSAN: Mid ka mid ah jidadkii ugu mashquulka badnaa Muqdisho oo sidan noqday + Sawirro

0

(Muqdisho) 21 Okt 2019 – Waxaa magaalada Muqdisho ka socda howlo dib loogu dhisayo ama dayactirayo jidadkii magaalada oo aan muddo dheer gacan lagu qaban dagaalladdii sokeeye iyo dowlad la’aantii ku abaaddey dartood.

Yeelkeede, waloow jidad badan la dhisay – waloow aad loo dhaliilo in jid aan bullaacad lahayni uu yahay khatar la dhisayo maadaama ay xilli robaadka dhibaato ka dhalanayso – misna waxaaba jira jidad isu rigey qashin qub oo ku yaalla bartamaha magaalada Muqdisho.

Sawirradan aad hoos ka arki karto waa jidka dhanka bidix kasoo mara xerada saraakiisha ee Shiirkole Officiale ee deeto mara isgoyska Black Sea, isagoo Bakaaraha ka mara geesta Koonfureed ilaa uu ku dhamaado Xamar Jajab.

Wuxuu ka mid yahay jidadka fara ku tiriska ee magaalada u gooya qaabka gudubka ah. Waxaa sidan oo kale ah jidka gudubka ah ee jara Isgoyska Baar Ubax ee aada dhanka Wershaddii Sigaarka iyo Tarraqa, gaar ahaan agagaarka Masjidka Xareed.

Goobtan ayni sawirka ka qaadnay waa marka uu dhex marayo Hotel East Africa iyo Baar Shangaay, waxaana sida muuqata gebi ahaanba aan suurtagal ahayn in jid ahaan in gaari u maro daaye aanu dadku xitaa mari karin.

Dadka xaafadda ayaa DF iyo Maamulka Gobolka usoo jeediyay inay jidkan wax ka qabtaan.

Hadalsame Media