Somalia oo doonaysa inay qorshe muhim ah la tagto kulan-madaxeedka Ruushka & Afrika

0

(Sochi) 21 Okt 2019 – Madaxwaynaha Somalia Md Maxamed Farmaajo ayaa ka duulay magaalada Muqdisho si uu uga qayb galo kulan madaxeedkii abid ugu horreeyay ee dhexmara madaxda sare ee Russia-Africa, kaasoo soconaya 23-24 Oktoober.

Farmaajo ayaa 46 madaxwayne oo Afrikaan ah kula biiraya meesha tamashlaha loo tago ee Sochi oo uu ku marti gelinayo MW Vladimir Putin, jeer ay Somalia raadinayso inay soo jiidato maalgashi caalami ah si ay ugu taageerato dib u dhiska iyo dib usoo kabashada dhaqaalaha burburay.

Sida ay qabto Ros Foundation oo dhacdooyinka abaabusha, kulankani waa mid istaraatiji ahaan muhim ah si loo abuuro xaalad wanaagsan oo amaan, dhaqaale, ganacsi iyo horumarineed oo dhexmara Ruushka iyo Afrika.

Somalia ayaa la filayaa in ay soo istaagto boos ka qurxoon kuwii hore iyadoo muujinaysa inay tahay meel ku habboon maalgashiga, gaar ahaan xilli bisha Jannaayo 2020 ay Somalia bixinayso shatigii ugu horreeyay ee saliid looga soo saarayo dalka, iyadoo uu Ruushku ku fiican yahay dhinacyo badan oo ay Somalia u baahan tahay, waloow taxaddar badan loo baahan yahay.

Dhanka kale Ruushka ayaa doonaya inuu kordhiyo xiriirka ganacsi ee uu la leeyahay dalalka Saxaraha ka hooseeyaa, iyadoo uu is dhaafsiga ganacsi ahaa $20 bilyan 2018, taasoo aad uga yar Maraykanka-Afrika oo ah $61 bilyan, Africa-China oo ah $200 bilyan iyo Midowga Yurub-Africa oo ka badan $300 bilyan sanadkii.

Hadalsame Media