Sucuudiga oo joojiyay xoolaha dalal ku yaalla Bariga Afrika (Somalia maku jirtaa?)

0

(Riyaad) 20 Okt 2019 – Wasaaradda Degaanka, Biyaha iyo Beeraha dalka Sucuudiga ayaa joojisey soo degsiga xoolaha dalalka Sudan iyo Djibouti.

Wasiirka ayaa joojintan u cuskaday war kasoo baxay Ururka Caalamiga ah ee Caafimaadka Xoolaha OIE oo sheegay inuu ka walaacsan yaay inuu cudurka Rift Valley fever (RVF) ka dillaacay dalka Sudan.

Waxaa intaa dheer, in saami laga qaaday xoolo kasoo dhoofay dalka Jabuuti laga helay cudurka sidaa darteedna lasoo celiyay.

Wasaaradda ayaa sheegtay inuu Sucuudigu uu 5 milyan oo madax oo lo’ ah kasoo dhoofsaday Sudan, halka 700,000 uu ka keensaday Jabuuti intii lagu jirey sanadkan Hijriga ah, joojinta kahor.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda, Abdullah Abalkhail, ayaa sheegay inay haystaan suuq kale sida dalalka GCC, Jordan, Uruguay, Eritrea, Ethiopia, Australia, New Zealand, Pakistan, Georgia, Portugal, Hungary, Kazakhstan iyo Romania, sidoo kale Chinese Mongolia, Argentine, Brazil iyo Maraykanka.

Yeelkeede, dalalkan ayaan la tartami karin kuwa Afrika marka la eego tirada, tayada iyo sicirka xoolahan oo qaali ah dhanka dalalkan, tayo ahaanna ka liita, marka la eego cimilada ay ku nool yihiin, sida uu sheegay Al-Jadani.

Dalka Somalia ayaan meesha lagu xusin marka la eego dalalka la joojiyay iyo dalalka loo weecanayo intaba.

Hadalsame Media