Somalia & Kenya oo hal arrin isku af-gartay (Kulan dhacay)

0

(Washington, DC) 20 Okt 2019 – Wasiirrada Maaliyadda Somalia iyo Kenya ayaa sheegay in tiiyoo uu jiro muranka ay Kenya horseedka ka tahay ee xad-badeedka aysan midna joogsan doonin ganacsiyada iyo gargaarka iskaga tallaaba labada dal.

Wasiirka Maaliyadda Somalia, Abdirahman Duale Beileh iyo dhiggiisa Kenya, Ukur Yatani ayaa sheegay inay Sabtigii shalay ahaa wada hadleen, intii uu soconayay shir sanadeedka IMF iyo Baanka Adduunka ee Washington D.C.

Labada dal ayaa ku heshiiyay in ay caadi u socdaan howlaha gargaarka iyo ganacsiga ee u kala gudbaya labada dal, iyadoo ay Kenya saldhigtaan hay’aad badan oo gargaar iyo kuwo kale oo siyaabo kala duwan uga shaqeeya Somalia, iyadoo ay Kenya joogaan ilaa 250,000 oo qaxooti ah sida ay sheegtay UNCHR.

“Daryeelka aadminimo ee Somalia waajib baa naga saaran ka walaal ahaan,” ayuu afka ku macaansadey Yatani.

Kenya ayaa laba jeer jebisey amar ay soo rogtey DF Somalia, iyadoo aan la ogayn halka ay DF Somalia uga hartay xiisaddaasi.

Hadalsame Media