RW Itoobiya oo kusoo baxay xasaradda ka dhex oogan Soomaalida & Cafarta

0

(Addis Ababa) 20 Okt 2019 – Kaddib markii dhowr qof lagu kala diley gobollada Soomaalida iyo Canfarta, DF Itoobiya ayaa ugu dambayn arrinta soo dhex gashay, iyadoo uu dhinacyada kulan la qaatay RW Minster Abiy Ahmed, gaar ahaan maamulka labada gobol, si arrinta looga saaro qarxisada.

Weli lama caddaynin tafaasiisha iyo dabeecadda wada hadalka, marka laga reebo qoraal yar oo kasoo baxay xafiiska RW oo lagu sheegay in, “RW Abiy Ahmed uu la kulmay hoggaanka Cafarta iyo Soomaalida si looga hadlo arrimaha amaanka.”

Magaalooyinka Cafarta iyo Soomaalida ayaa waxaa ka dhacay dibad baxyo kaddib markii la diley dad rayid ah oo Soomaali u badan.

Todobaadkii tegey, 16 qof oo rayid ah ayaa lagu diley xadka Itoobiya iyo Jabuuti, kuwaasoo ay xasuuqeen dad aan la aqoonin, balse lagu diley tuulada Obno, oo ka tirsan Afamboworeda oo ah gobolka Cafarta.

Hadalsame Media