Garaha ku naqsan ee uu naqay Axmed Madoobe (Qoraal qosol badan)

0

(Hadalsame) 15 Okt 2019 – ”Dowlada Federalku dastuurka ha ilaaliso illeen kaasaan wax ku nahay oo na kala hagayee. Talada dalka iyagaa haya marka waa inay nahagaan oo dalka sidaan u dhaamaan.

”Laakiin aniga ciddaan doonaan garoonka u diidayaa, cidaan doonaan musaafurinayaa, ciddaan doonaan la heshiinayaa, doorashada sidaan rabaan u qabsanayaa. Waayo ”dastuurka Jubbaland ayaa sidaa qoraya!!”

Axmed Madoobe….

”Waddanku marxalado kala duwan ayuu soo maray siiba kursiga Madaxweeynaha rag baa wareejiyay iyagoo jecel sida Cabdullaahi Yussuf, Sh. Shariif iyo Xasan Sheekh waxay badbaadinayeen dowladnimada.

Laakiin anigu waan soo taaganahay kursigana wareejin maayo oo anigaa ka dambeeya dowlad-goboleedyadi dalkoo idil mana yeelo inaan hogaansamo iyo inaan doorasho sax ah qabto toona.

Axmed Madoobe….

”Waddanku wuxuu leeyahay booga badan qabyaaladna socon meeyso, marka waa in la isku yimaadaa oo lawada tashadaa oo wax la wada leeyahayna ladhisaa.

”Laakiin anigu tashi uma baahni oo wixii aan doono ayaan samaynayaa, waayo kursigan kaadi ayaan u soo cabey oo anigoo meeyd wataan soo galay kismaayo.

Axmed Madoobe….

”Saaxibaday Seeraar iyo Xidig waxaan u sheegi lahaa jubalad waan wadaleenahay muuqdisho inaad ka amar qaadataan waa nasiib daro oo lacaga la idin soo siiyo.

”Laakiin dalalka ka shaqeeynaya (Kenya) wanaaga Jubaland waan soodhaweeynayaa, waayo shalay ayagaa wax noo taray maanta, berina noo tari doona. Cid kasta oo garab igu siin karta inaan kursiga ku sii fadhiyo waan soo dhaweynayaa waayo waxaa hubaal ah in sidaan aniga u talinayo cid u talin kartaa eeysan jirin.

Waxaa Qoray: Abwaan Cabdirisaaq Kabaxay

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraaga ku saxiixan

Hadalsame Media