Xildhibaan Soomaali ah oo geerida hooyadii ogaadey 3 maalmood kaddib (Dhacdo dhab ah)

0

(Hadalsame) 15 Okt 2019 – Internet waa iska xirey Taleefoonka wuxuu saartey waa mashquul iyo lama helI karo oo meel laga soo xiriiro ayaa la waayey

Maalintii dambe mid isla xildhibaan yihiin ayey isku arkeen meel hotel ah markaasuu ku yiri “Hooyo Alaha ha u naxariisto” markaasu yiri “Hooyadey aaa… aaaa…” Inta isku naxay ayuu ku celiyey” ” Hooyadey Caafimaad baan ku ogaa sidee wax u jiraan?” Markaasuu sii daba dhigey walaalow xagee ka maqashey markaasuu ku yiri “Facebook-gaan ku arkey adiga oo laguu tacsiyadeynayo.”

Markiiba caguhuu wax ka dayey oo si dhaqsi ah ayuu gurigii hooyadii ku gaarey, markii uu albaabka ka soo galey ayaa lagu yiri ” waxaan rabney in aan ku baafino, markaasuu yiri “bal baafinta ha ii dambeysee ma run baa in Hooyo dhimatey?!

Waxaa loo sheegey in Hooyo Sadex beri ay duugan tahay Ala bariga iyo xoolaha kuu muuqda iyo dadkaan faraha badan ee guriga ku sugan waxay u joogaan Ducadii Duugtii hooyo.”

Waxaa yaab leh dadkaas ayaa bulshada maanta Xildhibaano iyo masuuliyiin u ah xitaa Waalidkiis Teleefoonada ka xirtey.

Waxaa u soo jeedinaa Xildhibaano, Wasiirada, Masuuliyiin kale iyo Ganacsatada jeebka buuran in ay taleefoonadooda ka qaadaan waa mashquul iyo lama heli karo hadii kale Xildhibaankaas wixii ku dhacay baa idiin ku dhici doona.

Waxaa Qoray: Amiin Y KHasaaro

Hadalsame Media