DAAWO: ”Dalkeenna waa difaacaynaa!” – Xisbiyo siyaasadeed Soomaali ah oo si kulul uga jawaabey daandaansiga Kenya

0

(Muqdisho) 15 Okt 2019 – Guddoonka Xisbiga PSU Md Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa jawaab kulul ka bixiyay war kasoo yeerey siyaasiga Kenyan-ka ah ee Aadan Barre Ducaale iyo gebi ahaanba ku xad-gububkii qarannimada Somalia.

Md Xasan oo sheegay inuu akhrinayo War Saxaafadeed ay ku saxiixan yihiin 22 Xisbi siyaasadeed oo Somalia ka dhisan, ayaa sheegay in aanay aqbalayn in inta dalka la iska soo galo ”la qaayo ama loo gefo qarannimada dalka”, xitaa haddii ay iyagu dowladda mucaaradsan yihiinna ay u dagaallamayaan qarannimada dalka.

“Adan Barre Duale sida aad u tiri dhulka Kenya taako ka mid waan difaaceynaa, ayaan anaguna waxaan ku leenahay dhulka Soomaaliya taako ka mid ah laguma soo xadgudbi karo waana difaaceynaa oo shacabka Soomaaliyeed waxay diyaar u yihiin inay dhiiggooda u huraan” ayuu yiri Gudoomiyaha Xisbiga PDU Md Cabdullaahi Sheekh Xasan.

”Arrinta uunsigana maba aheyn in Aadan Barre oo kale uu ka hadlo waayoo kama imaan meel laga yaqaan uunsiga, haddii ay jirto cid aan uunsan aqoona Kenya ayaa ugu horreeysa, waayoo waa la yaqaanaa Somalia & Kenya cidda ku fiican nadaafadda iyo iscarfinta,” ayuu hadalkiisa raaciyay Gudoomiyuhu.

Sidoo kale Guddoomiye Abdullahi, waxa uu intaa ku daray in maadaama Kenya ku soo xadgudubtay qaranimada Soomaaliya ay ku talinayaan in dalka laga saaro Ciidamada Kenya haddii kale waxey u muuqanayaan Ciidamo gumeysi ah oo kusoo duuley Soomaaliya, ayuu yiri.

Hadalsame Media