”Anigu ma taageersani N&N, balse waa la safan ahay marka ay is hayaan SHISHEEYE!” – Siyaasi caan ah

0

(Hadalsame) 14 Okt 2019 – Haddii aad qiimayn ku samaysid caaydii Aadan Barre Ducaale ee uu ku caayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya, may ahayn aflagaado ku koobnayd Farmaajo ee waxay ahayd aflagaado ay Kenya ku aflagaadaysay guud ahaan dadweynaha Soommaalyeed.

Haddii madaxweynahaaga uu dal kali wax ka sheego,waxa taasi ka dhigantahay in la aflagaadeeyay guud ahaan muwaadiniinta soomaaliyeed oodhan

Jubbaland waxa ay gacanta ugu jirtaa Kenya, waxayna adeesanaysaa ama ay is horwaddaa Soomaali, si ay u gaadho u jeedooyinkeeda gaar ahaaneed ee khatarta ku ah Soomaaliya..

Inkastoo aan taageersanayn Nabad & Nolol tan wixii ka danbeeyay dhiibistii Qalbi-Dhagax, haddana waxaa khasab nagu ah in aan taageerno N&N goorta ay siyaasad ahaan is hayaan dal shisheeye.

Si walba uu ismaandhaaf kaala dhaxeeyo xukuumaddaada laakiin ma’ahan, in aad ogolaato in uu dal kali kugu horcaayo madaxweynahaaga, haddii aad ogolaato taas waxay tilmaan u tahay waxaad adigu tahay.

Waxaa Qoray: Siyaasiga reer Jabuuti ee Axmed Riyaale

Hadalsame Media