ISKA JIR: 10 walxaato oo ay HALIS tahay inaad GOOGLE ka baarto! (Qaybii 2-aad)

0

(Hadalsame) 14 Okt 2019 – Waxaa jira 10 walxaato oo aysan wanaagsanayn inaad Google gareeyso ama ku baarto matoorka dunida ugu wayn ee internet-ka wax lagaga baaro. Halkan ka eeg qaybtii 1-aad.

6 – XAALADDA MAQAARKA

Waxay ku wanaagsan tahay inaad ku war la’aato, waayo waad kusii murgi kartaa, sidoo kale ha google garaynin caabuqyada xubnaha taranka.

5 – SAMBABADA SIGAARYA-CABKA

Anigu sigaar ma cabo, balse qofka sigaarya-cabki wuxuu ka fikiri karaa dhibaatooyinka sambabbada, waxaana barta internet-ka ka buuxa sawirro aad u naxdin badan, kuwaasoo haddii aad aragto aad isku dhex yaaci karto. Dabcan waa jirtaa dood ah in la baari karo haddii ay qofka ka go’an tahay inuu ka tago sigaarka, ha yeeshee waxaa fiican inaad iska dayso.

4XAYANAANNADA HALISTA AH

Ka fogoow baarista xayawaannadan, aragtida xayawaannadani waxay qofka u qoonsan karaan inuu habeenkii u seexdo si nabdoon ama inuu xitaa u safro dalalka ay bahalladani ku nool yihiin. Qiyaas adigoo Australia tegey ee uu mas kuu galay tuunjiga lagu fariisto ee musqusha?!! Ha isku baarbaarin arrimahan!

La soco qayb kale…

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media

 

 

Facebook Comments