WEJI CUSUB: Ciidamada dowladda Suuriya oo usoo dhaqaaqay inay wajahaan kuwa Turkiga + Sawirro

0

(Dimishq) 14 Okt 2019 – Ciidamada Suuriya ayaa la sheegayaa inay soo gaareen magaalada Tell Tamer, oo ku taalla qaybaha ay Kurdish-ku maamulaan ee woqooyiga dalkaasi, kuwaasoo wajahaya weerarka Turkiga.

Ciidamada dowladda Suuriya ayaa magaalada soo galay saaka aroortii, kaddib markii ay heshiis la gaareen maliishiyaadka Kurdiga, sida ay faafinayso wakaaladda SANA.

Tell Tamer waa magaalo yar, balse ku taalla halka ay iska jaraan dhowr jid oo halbowle ah, waxaana soo baxaya muuqaallo la faafiyay oo muujinaya ciidamada Suuriya oo halkaa gawaari ku imanaya.

Mar sii horreeysey, ciidamo kale oo dowladda ka tirsan ayaa la sheegay inay gaareen Al-Thawrah, oo ah magaalo ku taalla gobolka Raqqa oo ku taalla daamaha webiga Furaat, taasoo sidoo kale aad ugu dhow biyo xireen wayn oo halkaa ku yaalla.

Turkiga laftiisa ayaa wata maliishiyo isaga la socota oo degaanka ah.

Malliishiyaadka uu Turkigu taageero

Hadalsame Media