ARAGTI: Dood ka taagan in garoonka Kismaayo loogu magac daro Sayidka (Yaa ka mudan, yaase horta magac-bixin heer qaran ah samayn kara?)

0

(Kismaayo) 13 Okt 2019 – Marsa-cireedka Kismaayo waxa loogu magacdaray Darwiishkii Sayid Maxamad Cabdulle oo aan weligiis cag dhigin dhulkaas.

Waxa laga eexday Xaaji Cabdiraxmaan Mursal oo boqolleydii hore dagaal la galay Ingiriiska, saraakiil iyo dableyna ka laayey iyo dhacdadii Serenley, halgankiisiina sabab aanan garan loo aasay. Waxaa sidaa qoray Maxamed Cabdullaahi Jaamac.

Sidoo kale dhaqdhaqaaqii gobanimadoonka ee SYL ayaa qaarkood naftooda ku waayeen, qaarna xabsiga muddo ku silicsanaayeen.

Sayidka Xarumihiisii Taleex iyo Eyl ayaa ku habboon in goobo ka mid ah lagu magacaabo xaqna waa u lee yahay.

Dad kala duwan ayaa ka jawaabey qoraalka Jaamac.

FAALLO 1:Adeer boqolkiiba boqol waa saad sheegtay. Taariikhdii Daraawiishta sidii Ina Iley usoo baxayba waa la qabyaaladeeyey.”

FAALLO 2:Waa run. Waxa jira dad badan oo halgamayaal ahaa oo uga xaq lahaa magac bixintaas. Laakiin waa iska dhaqan Soomaali maryooley.”

FAALLO 3:Gegida diyaaradaha ee kismaayo yaa dhismeheeda lahaa, yaase xaq u leh magac bixinta Airport ka?
Teeda labaad, taariikhda sayid maxamed Cabdalle xassan hadii la kala sheegto oo qaar dadka ka midi gaar isu siiyaan oo sheegtaan sow guuldaro aduun maaha.
Sayidkii eyl, ilig, Taleex, jiidali, midhisho, badhan iyo meela kale oo la mida degey ilaa haddana raadkii aathaariskii ka sii muuqdaan sow u guuldaro maaha in somaliyi ku wada faani waydo oo In gaar ahi u nasabsheegato magaciisii iyo halgan kiisiiba.”

FAALLO 4: ”Waxaan u malaynayaa in bulshada taleex ka cabatay in magacii sayidka oo garoonka taleex isla lahaa ay kismaayo qaadatay. Magacyada la bixiyo oo dhan dowlad dhexe ma bixiso ee maamul qabiil hoggaansha ayaa bixiya waana sababta garoonka garoowe uusan qaadan magaca Nasiib buundo ee uu qaatay general haamaan.”

FAALLO 5: ”Ummada Koonfur dagan dhaqankeeddii iyo Halyeeyadeediiba waa la afduubay waxaana meel walba lagu taxay dad aanay garanayn waxay ahaayeen
Haddii aan waxaas qabsasho lagu sheegi karin ma aqaan waxay tahay.”

FAALLO 6: ”Waxaa loo qaatay in garoonkaa loogu magac daro Faadumo Qoorsheel oo nin talyaani dhalo ku daqartay oo dalkeedii iyo dadkeedii ka carartay oo inta la waayay raq iyo ruux meel ay raad dhigtay kol dambe uun la arkay carruur ay iyada dhashay oo dalkii ku soo laabtay.”

Gebagebadii, waloow aan la dafiri karin inuu Sayidku qayb ahaan la dagaallamay gumaysigii, misna waxaa la fahamsan yahay in ay sumcaddiisii hoos u dhigayso haddii ay taariikhdiisu noqoto mid hoos loogu dhigo heer beeleed, waxaa sidaa la mid ah rag badan oo qaranka wax usoo taray oo loogu magac daray garoomo iyo xarumo ku yaalla degmooyin, taasoo aan ku imanin tashi qaran.

Hadalsame Media