NAQDIN: ”Garoowe ma la qurxiyay mise waa lasii kharribay?” + Sawirro

0

(Garoowe) 13 Okt 2019 – Waxaan ka mid ahaa dadka sida weyn u soo dhaweeyay hawl-galkii lagu sheegay in dib loogu soo celinayo guryihii Dawladdii Kacaanka. Waxaanna u arkayay fursad fiican oo Dawladan nasiib u yeelatay.

Hayeeshee, durbaba waxaa soo baxday in mashruucuba uu ahaa laab-lakac oo aysan jirin wax qorshe ah oo la sameeyay oo ee ay ku bilaabmatay kanna ku dar (burburi).

Shaqadu waa mid aad u gaabis ah, waa mid magaalada lagu fool-xumeeyay waxaana dhexyaal haraadigii burburka dhowr guri, waxayna u muuqataa meel dagaal ka dhacay, Fool-xummadda waxaa sii dheer nadaafad-xumo, caafimaad-xumo iyo amino-xumo, waxa ay ahayd in habeen iyo maalinba la shaqeeeyo oo hawlgalku intaas ka baaxad weynaado.

Mashruucaan oo kale waxa uu u baahnaa qorshe ballaaran iyo kabbaaran-dagid, waayo ma sahlana in 60 guri la dumiyo Lagana saaro dadkii mudada dheer daganaa ayna hellaan caddaalad oo dhammaan guryaha la wada baneeyo, waxaa kale oo loo baahnaa qorshayaal kala horeeya (plan A & B).

Sikastaba, waxa uu u muuqdaa mashruucan dib u soo celinta xarumaha Dawladda iyo bilicda magaalaga mid aan qorsheysnayn, iyada oo la og soon yahay waddooyin badan oo magaalada ah ay xiran yihiin kuwo kalana la dhistay.

Waxaa Qoray: Axmed Cabdislaam, Garoowe

Hadalsame Media