Ugu yaraan 10 askari oo Kenyan ah oo ay miino la kacday

0

(Garissa) 13 Okt 2019 – Ugu yaraan 10 askari oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee General Service Unit (GSU) ayaa ku dhintay kaddib markii uu gaarigoodu dardaray miino lagu aasay jidka  Degoh Road ee maamulka Garissa County.

Unugtan oo ka tirsan xerada Harehare GSU Camp ayaa roondaynaysey xadka Kenya-Somalia markii uu gaarigooda oo ahaa Toyota Land Cruiser uu dul maray miino macmal ah (IED), taasoo la tuhunsan yahay inay aastay kooxda Al Shabaab.

Isbatooraha Guud ee Hillary Mutyambai ayaa sheegtay in goobta loo diray ciidamo ka kooban KDF, kuwa maamulka, kuwa gaarka ah iyo Booliiska Kenya, si bay tiri ay u baacsadaan kooxdii weerarka ka dambaysay.

Bishii Juun ee sanadkan, ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhintay kaddib markii uu gaarigoodu dul maray qarax noocan ah, isagoo maraya magaalada xuduudda ku taal ee Kulan, Garissa.

Hadalsame Media